DEG DEG. Qarax xoogan oo gowr dhow gilgilay Magaalladda Muqdisho.

0
210

uyuy

Qarax xoogan ayaa waxa uu gowr dhow ka dhacay Magaalladda Muqdisho ee Caasimada Dalka Somalia.

Qaraxa oo ah mid Khasaara ba’an geystay, ayaa waxa uu goordhow ka dhacay Is-goyska Black See ee Magaalada Muqdisho.

Goob-joogayaal ku ag-dhawaa goobta ayaa waxa ay Shabakadda Idale News Online u xaqiijiyeen inay arkayeen Dhaawaca Lix ruux iyo Meyd badan.

Qaraxa ayaa ahaa mid lagu weeraray ciidamo ku sugnaa isgoyga Black See oo ka tirsanaa kuwa Xukuumadda Somalia, oo xiligaasi halkaasi ka afuraayay.

Qaraxa kadib ayaa waxaa goobta soo gaaray Gawaari ay saarnaayeen Ciiddamo isugu jiray kuwa Ammaanka iyo Sirdoonka iyo waliba gawaarida dhaawaca daabulo ee loo yaqaano Ambalasta, waxaana la daad-gureeyay dhammaan dadkii dhaawaca oo ay ku jiraan kuwa halis ah.

Ma kala cada in Bamka uu ahaa mid goor hore meesha lagu aasay iyo inuu yahay mid gacanta laga tuuray, waxaana isla markiiba meesha lagu qabqabtay dad rayid ah oo lala xiriirinaayay inay ku lug lahaayen weerarka.

Idale News Muqdisho