Wararka ka imaanayo Magaalladda Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in Ciiddamo ka tirsan kuwa Col. Barre Hiiraale ay gudaha u galeen Magaalladda Kismaayo.
Ciiddamada galay gudaha Kismaayo, ayaa lagu soo waramaaya inay ka soo ambabaxeen Duleedka Magaalladda Kismaayo, ay ku sugnaayen muddo bil ah, iyadoona gudaha la galay qoryo nooca fud-fudud.
Ciiddamada ayaa lagu soo waramaaya in bilowgii hore ay qoryahooda fur-fureen isla markaana kusoo aruuriyeen Jawaano, isla markaana sidaa kusoo galshay Magaalladda Kismaayo, waxaana durbadiiba galiinka Ciiddamadaasi laga dareemay guud ahaan Magaalladda Kismaayo.
Dhanka kale, Gen. Warfaa Aadan oo ka tirsan Saraakiisha Ciiddamadda Dowladda, ayaa waxa uu sheegay in gudaha Magaalladda ay soo gaareen Ciiddamo ka tirsan kuwa Col. Barre Hiiraale oo u socday Cutub Cutub, kuwaasoo uu Sarkaalka ku sheegay inay kusoo biiran kuwa Xukuumadda isla markaana is diiwaan-galshaan.
Waxa uu sheegay Khilaafka u dhexeeya Ciiddamadda Dowladda iyo Raaskambooni uu sababay in dhex dooda laga faa’iideysto isla markaana dhac iyo dilal loo geysto Shacbiga.
Sidoo kale, Ismaaciil Saxardiid, ayaa ugu baaqay ciidankan cusub ee soo galay Kismaayo inay isa soo dhiibaan, islamarkaana ay iska diiwaan geliyaan magaalada.
Ugu dambeyntii, Xaalladda Magaalladda Kismaayo oo mudooyinkaani Calawsaneyd, ayaa waxaa haddana laga dareemayaa Colaado iyo Cabsiyo, iyadoona heegan galabnimadii maanta la galshay Ciiddamadda Raaskambooni.
Idale News Muqdisho