Baydhabp(INO)- Ciidamo ka tirsan Maleeshiyada Mayalka adag Ee Alshabaab ayaa xalay waxaa duqeymo ka geysteen xaafado ka mid ah Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.
Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Bay ayaa waxa ay sheegayaan in xalay duqeyn xoogan loo geystay xaafadaha qaar ee magaaladaasi
Madaaficada ayaa waxay qaar ka mid ah ay ku dhaceen Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya, qaar ka mid ah Xaafadaha waxaana jira Khasaaro ay geysteen Madaafiicdaas.
Waxaan xaley abaaro 4:20am mar qura la maqley daryanka culculus Ee Madaafiicaas oo tiradood ay gaarayeen ilaa 8 madfac oo shacabka magaalada ay ka soo toosiyeen hurda.
Duqeynta ayaa waxaa Ciidamo Alshabaab ay la dhaceen degmadaasi Abaaro 4: 20am ee xalay taas oo shacabka qal qal galisay,waxaana laga soo duqeynayay dhanka Maanya foolka Baydhabo.
In kadan 25 Dhaawacyo kala duwan ka soo gaarey Hoobiyaal Xalay Magaalada ay ku soogaraaceen Maleeshiyada Al shabaab ayaa lagaarsiiyey Isbitaalka magaalada Baydhabo .
Caruur iyo Haween ayaa ka mid ah dadka waxayeelada ka soogaartay Dhacadadaasi ,Dhimasho waa jirta ilaa iyo haatan Tirada Rasmiga ah Lamahaayo.
Ciidamda AMISOM iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaan ka Jawaabin tirada Madaafiicdaas, waxaan jira Cabsi Xoogan in Al-shabaab xilliyada Habeenada ay Kordhiso Weeraro Noocan ah.
Faah Faahin Kala Soco Idale News Online , Baydhabo
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay