DEG DEG: Madasha Hogaanka Soomaaliya Oo Isku Raacey Wax Bedelka Gudiga Doorashadda 2016

0
531

Baydhabo(INO)- Shirka Madasha Qaran ee madaxda dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada uga socda magaalada Baydhabo ayaa waxaa uu maraayaa maalintiisii 2aad, iyadoo warar hordhac ah oo shirka laga helaayo ay sheegaayaan in si habsami leh oo isafgarad ku dheehan yahay shirku u socdo.

Warar hoose oo IdaleNews.com  ay heshay waxay sheegaayaan in Gudiga doorashada ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dhowaan magacaabey ay madaxda maamul goboleedyada qaar ka biyo diideen iyagoo sheegay in uu hareer marsan yahay sharciga caalaminga, isla markaasna lagu kalsoonaan karin guddii doorasho oo xilal xildhibaano raba in ay ka mid noqdaan guddiga doorashooyika qaran ee dalka

Madaxweyne Xasan oo laga dareemaayey in uu diidan yahay soo jeedinta wax ka bedelka guddigii uu magacaabey, hase ahaatee ugu dambeyntii ogolaadey, waxaana dhamaan laga saarey wasiiradii dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada iyadoo la sheegaayo in la daayey 13 xubnood halka 9 xubnood laga saarey.

Ugu dambeyntii, 22 xubnood ayaa la isla gartey in laga saaro oo badidooda ah wasiirado, halka 13 xubnooda aysan wax saameyn ah aysan ku yeelan isbedelkaas,waa sida ayaanu  ka soo Xignay Ilo Lagu kalsoon yahay.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.