Jowhar(INO)— Musharaxiinta xubnaha Aqalka sare ee Maamulka Hirshabeelle ayaa maanta lagu wadaa in lagu dhawaaqo, iyadoo ay ka dhex muuqan doonaan xubno siyaasiyiin ah oo ka soo kala jeeda Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Liiskan ayaa noqon doona mid kama dambeys ah oo xubnaha u sharaxan Aqalka sare ay ka soo muuqan doonaan, waxaana maalmihii la soo dhaafay diyaarintiisa ay ka socotay magaalada Jowhar iyo Muqdisho.
Madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo tan iyo markii loo doortayxilka Madaxweynaha, waxaa uu isaga daba-laabanayay magaalada Muqdisho, isagoo kulamo kulamo kula lahaa Madaxda dowladda, iyadoo arrinta ugu weyn ee kulamadaas looga hadlayay ay aheyd Aqalka sare.
Madaxda Maamulka Hirshabeelle ayaa marka ay maanta si rasmi ah ugu dhawaaqaan liiska Musharaxiinta aqalka sare waxaa lagu wadaa in maalinta berri ay xubnaha musharaxiinta Aqalka sare ka h0r-jeediyaan Xildhibaanada khudbadahooda, iyadoo maalinta Isniinta ay dhaceyso doorashada.
Warar qaar ayaa sheegaya in Liiska Musharaxiinta Aqalka sare uu yahay mid Madaxtooyada laga soo qoray, si xubnaha ku soo baxaya ay u noqdaan kuwo taageersan Madaxweyne Xasan Sheekh.
Xubnaha Aqalka sare ee matalaya maamulka Hirshabeelle ayaa ka kooban 8 xubnood, waxaana min afar xubnood u kala qaadanaya Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Maamulada Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa soo gudbiyay Liiska Xildhibaanada Senate-ka ee ku matalaya Aqalka sare, kaddib doorashooyin ka dhacay xarumaha maamuladaas, waxaa harsan xubnaha Somaliland ka imaanaya ee Aqalka sare, kaasoo aan wali la shaacin habka ay u dhaceyso doorashada, iyadoo siyaasiyiinta iyo salaadiinta ka soo jeeda Somaliland ay dhowaan qaadaceen ka qeyb galka doorashada 2016, kaddib markii ay cabasho soo gudbiyeen.