Garowe(INO)-Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland Siciid Xasan Shire Oo Goordhow Saxaafadda kula hadlay hoygiisa magaaladda Garowe ayaa sheegay in uu is casilay;
Siciid Xasan Shire ayaa Arintaasi Ku Sababeeyay Ciidamo uu sheegay in lagu soo daadiyay Xarunta Golaha wakiiladda ee Garowe, Culeys Uu Kala Kulmay Xildhibaano Kale oo Uu Sheegay iney u arkeen inuu ka hor istaagay su’allo ay weydiin lahaayeen Madaxweynaha, iyo Arimo Kale.
inkastoo uusan gudoomiyuhu si aad ah u sii faah faahin arintaan oo su’lo kooban saaxafaddu weydiiyeen ayuu noqonayaa Gudoomiyihii baarlamaan ee ugu horeeyay Puntland kaas oo iska casila xilkiisa isagoon wakhtigiisu u dhamaan.
Xalay ayeey aheyd markii uu soo shaac baxay mooshin ay ku saxiixanyihiin ku dhawaad 40 xildhibaan kuwaas oo sheegay iney mooshin ka wadaan Gudoomiyaha Baarlamanka ee hadda is casilay Siciid Xasan Shire,
Siciid Xasan Shire ayaa xilka la wareegay 13- junuary 2014 Xiligaasi oo uu kala wareegay Gudoomihii Hore Ee Baarlamanka Cabdirshiid Maxamed Xirsi.
Idale News Online, Garowe