Muqdisho(INO)-Golaha wasiirada ee xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa caawa lagu wadaa inuu soo dhamays-tiro Raiisul wasaaraha xukumada Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke kaasi oo dhowaan baarlamaanka Soomaaliya uu ka codsaday in la siiyo 10 cisho oo uu ku soo dhamaystiro golihiisa wasiirada ee cusub.
qaban-qaabada munaasabada loogu dhawaaqayo golaha wasiirada oo cusub ayaa caawa waxaa ay ka socotaa xafiiska ra’iisul wasaaraha ee Villa Hargaysa ee magaalada Moqdisho, sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo aan ka helnay halkaasi.
qaar ka mid ah wasiirada iminka magacaaban ayaa laga yaabaa in lagu sameeyo is ku shaandhayn dhanka wasaaradaha ah, ayadoo dhowaan raiisul wasaaruhu uu sheegay 20 ka wasiir ee magacaaban uu ku kordhin doono 5 wasiir oo dheeri ah.
Wasiirka magacaaban ee Gaashaandhiga ee xukuumada ayaa maanta soo gaaray caasimada Soomaaliya ee Moqdisho.
Golaha wasiirada ayaa hadii caawa lagu dhawaaqo ayaa la filayaa in baarlamaanka la hor-geeyo maalinta isniinta ah ee soo aadan oo ay taariikh ku beegan tahay 9 ka bisha febuary.
Idale News Online, Muqdisho