Waxaa gowr dhow Garoonka Aadan Cadde kasoo degay diyaarad siday Hoggaamiyaha Raaskambooni Axmed Madoobe iyo Xubno uu hogaaminaayo.
Hoggaamiyaha ayaa waxaa Garoonka kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda iyo Saraakiisha Ciiddamadda, waxaana durbadiiba uu Hoggaamiyaha Shir Jaraa’id ku qabtay VIP-da Garoonka Aadan Cadde, isagoona kawar bixiyay Ujeedka uu Safarka ugu imaaday Magaaladda Muqdisho.
Hogaamiyaha maamulka Jubba ayaa sheegay in ujeedada Magaalada Muqdisho uu maanta uyimid ay tahay dhameestirka qodobadii lagu heshiiyay shirkii Addis Ababa ee dalka Ethiopia.
Wuxuu shegay Axmed Madoobe in muddo todobaad ah uu sii joogi doono Magaalada Muqdisho uuna la kulmi doono masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya.
Wasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhankiisa shegay inuu dhamaaday khilaafkii ka taagnaa arimaha Jubbooyinka xal buuxana Dowladda Soomaaliya ay ka gaartay.
Xubnaha soo dhaweeyay Axmed Madoobe ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka arimaha gudaha,Wasiirka warfaafinta,ku xigeenka Wasiirka warfaafinta iyo Xildhibaano kale oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo duqa Muqdisho.
Idale News Muqdisho