Baydhabo(INO)-Magaalada Baydhabo ee xarunta Koonfur Galbeed maanta waxaa ka dhacday doorashada hal kursi ee Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya isla markaana leh Beesha Sheekhaal.
Halkani kursi waxaa ku tartamay wasiirka shaqada iyo shaqaalaha ee dowladda federaalka Cabdiweli Ibraahim Muudeey iyo musharrax Barre Cismaan Xasan.
Codeynta kadib ayaa guddiga doorashada dadban ee Koonfur Galbeed waxayna xarunta doorashada kaga dhawaaqeen in Cabdiweli Muudeey uu ku guuleystay tartankii xildhibaannimo.
Cabdiweli Ibraahim Sh Muudeey ayaa helay dhammaan codadka ergadii dooranaysay ee 51-ga cod ahaa halka musharrixii la tartamayay ee Barre Cismaan Xasan uusan wax cod ah helin.
Ugu dambeyntii, Waxaa weli harsan kuraas kale oo loo tartami doono maalmaha soo socda kuraasta ugu horreysana waxaa loo tartami doonaa maalinta sabtida ah.