DEG DEG: CCC Sharmarke oo kulan albaabada u xiran yihiin la yeeshay Madaxweynaha Koofur Galbeed

0
234

Baydhabo ( INO)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke  iyo Madaxweynaha Dowlada Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa kulan albaabada u xiran yihiin ku yeeshay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.

Masuuliyiintaan oo kulankooda ay Saxaafadda dibad joog ka ahayd ayaa wasiiro ka tirsan Dowlada Koofur Galbeed oo aan qadka Taleefanka kula xiriirnay oo diiday in aan Magacooda iscticmaalno sheegeen in ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin dadajinta Baarlamaanka Dowalda Koofur Galbeed.

Xulista Xildhibaanada Koofur Galbeed ayaa qaadatay muddo dheer taas oo dadka qaar ay u sababeeyeen khilaaf hareeyay Odayaasha dhaqanka  loo xil saaray soo xulistooda.

Dowlada Koofur Galbeed ayaa ka kooban Gobollada Bay , Bakool iyo Shabeelaha Hoose  kuwaas oo la doonayo in ay ka kala yimaadaan Xildhibaanada maamulkaas.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here