Baydhabo(INO)— Magaalada Baydhabo ayaa waxaa maalintii saddexaad ka socda doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, iyadoo Musharaxiinta u tartamaya kursiga Xildhibaanimo ay olole xooggan ugu jiraan sidii loo dooran lahaa, iyagoo dhaqaale badan ku bixinaya.
Hadal heynta saaka ka jirta magaalada Baydhabo ayaa ah kursiga Xildhibaanimo ee Beesha Disow oo ay ku tartamayaan Musharaxiinta kala ah Wasiirka Maaliyadda Maxamed Aadan Fargeeti ,Maxamed Macalin Yaxye Iyo Cabdullahi Xaamud, waxaana labada nin ay olole xooggan wadeen labadii maalmood ee u dambeysay magaalada Baydhabo, iyagoo kulamo la qaadanayay ergooyinka.
Kursigan ayaa lagu tilmaamay kan ugu lacagta badan, marka loo eego kuraasta kale ee aqalka hoose, waxaana socota kala xod-xodashada Ergooyinka 51 xubnood oo si aad ah lagu loolamayo.
Wasiirka Maaliyadda Maxamed Aadan Fargeeti ayaa la sheegay inuu dhaqaale aad u fara badan ku raadinayo xilka Xildhibaanimo, iyadoo halka cod ee Ergada wax dooraneysa uu marayo lacag dhan 10-kun oo dollar.
Mr Fargeeti ayaa la sheegayaa inuu loolan xooggan uu kala kulmayo Musharaxa kale ee la loolamaya, kaasoo la sheegayo inuu heysto taageerada Beesha.
Ka sokow kursigan uu u tartamayo Wasiirka Maaliyadda Maxamed Aadan Fargeeti ayaa waxaa ka jira kuraasta Aqalka hoose ee beelaha kale oo qiimihiisu gaaray illaa Hal Milyan oo dollar, waxaana ka mid ah kuraasta Aqalka Hoose ee Beelaha Hawiye oo lagu tilmaamay kuwo ugu dhaqaalaha badan ee ay Musharaxiinta Xildhibaanada ku raadinayaan lacago maskaxdaada galeyn.
Labadii maalmood ee u dambeeyay ayaa waxaa magaalada Baydhabo lagu doortay illaa 17 Xildhibaan oo Aqalka hoose, waxaana maanta lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo wajiga koowaad ee doorashada Aqalka Hoose ee Koofur Galbeed.
Maamulka Koofur Galbeed oo ka kooban saddex gobol ayaa ah halka ugu badan ee ay ka imaanayaan Xildhibaanada Aqalka Hoose, waxaana laga soo dooranayaa illaa 69 Xildhibaan.