Baydhabo ( INO)-Dagaalamayaasha Xarakada Al Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in maanta mar kale ay dagaal kula wareegeen deegaanka Goof Gaduud ee Gobolka Bay.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Cutubyo ka tirsan Xarakada Al Shabaab weerar aad u cuslaa ay ku soo furteen deegaankaasi Goof Gaduud ee Gobolka Bay.
Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi ka dhacay deegaanka Goof Gaduud ee Gobolka Bay.
Balse muddooyinkii dambe ayaa gacan ku heynta deegaankaas waxaa isku bed bedelayay labada dhinac ee Ciidamada maamulka Koofur Galbeed iyo Dagaalyahanada Al Shabaab.