DEG DEG: 7 ruux oo guryahooda lagala baxay Deegaanka Muuri ee Gobolka Shabellaha hoose

0
176

Muuri(INO)- Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Deegaanka Muuri oo ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose, waxaa xalay guryahooda lagala baxay dad gaaraya 7 ruux, kuwaasi oo ka mid ahaa dadka ku nool Deegaanka Muuri.

Qaar ka tirsan dadka degan deegaankaasi ayaa Warbaahinta u sheegay in 7 ruux lagala baxay guryahooda xalay saqdii dhexe, waxaana ay sheegeen ilaa hada in aanan la aqoon cida guryahooda kala baxday dadkaasi.

Xaalad cabsi iyo walaac xoogan ayaa soo food saartay ehelada dadka lagala baxay guryahooda, kuwaasi oo aanan sheegi karin halka lala aaday dadkii guryaha lagala kaxeystay.

Rag hubaysan ayaa la sheegay inay soo galeen aqalada dadkaan ay deganaayeen, islamarkaana shaqsiyaad u muuqday inay yihiin farmuuq ay kala baxeen.

Deegaanka Muuri waxaa ku sugan ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom, balse habeenkii ayaa la sheegaa Xaafadaha Deegaanka inay soo galaan rag hubaysan oo Shabaab ka tirsan.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo cabsi xoogan dareemaya ayaa sheegay dadka guryahooda la gala baxay inay u badinayaan inay kaxeysteen Ururka Al Shabaab dhalinyaro ka tirsan.

Deegaanka Muuri ayaa si weyn waxaa looga hadal hayaa dadkaan xalay guryahooda lagala baxay ee ilaa iyo hada aanan la aqoon halka rasmi ahaan loo kaxeystay.