Baardheere ( INO)-Dab dhaliyay Khasaaro Hantiyadeed ayaa waxa uu xalay ka kacay Suuq ku yaalla Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo. Ku dhawaad 10 Xarumo Ganacsi ah ayaa ku basbeelay Dabka xalay ka kacay Suuqa Degmada Baardheere.
Hase ahaatee Maamulka Degmada Baardheere ayaa ku guuleystay in ay damiyaan dabkaasi aadka u xooganaa. Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaan lahayn wax dab Damis ah taasina waxaa la sheegay in ay sii kordhisay Khasaaraha.
Dhinaca kale Degmadaasi Baardheeere ee Gobolka Gedo waxaa xalay ka dhaqan galay Bandow lagu soo rogay degmadaasi.
Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee degmadaasi oo howgallo ka sameeyay qeybo ka mid ah degmadaasi ayaa la xaqiijiyay in ay ku soo qab qabteen ku dhawaad 20 qof oo la tuhunsan yahay in ay ka tirsan yihiin Al Shabaab.
Si kastaba weli waxaa Xaalad Bandow ah ka taagan tahaya degmadaasi Baardheere ee Gobolka Gedo.