Muqdisho(INO) — Ergayga Ururka Midowga Afrika ee Arrimaha Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira ayaa ugu baaqay xoogagga Al-shabaab in colaada ay joojiyaan, isla markaana ay kusoo biiraan dadaallada socda ee dib loogu dhisayo Soomaaliya.
Danjire Madeira ayaa hadalkan ka sheegay Munaasabad ciidanka Burundi ee qaybta ka ah Hawl-galka AMISOM Abaal-marinno lagu Guddoonsiinayay oo Arbacadii hore ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
“Xoogagga Al-shabaab way la socdaan in qorshahoodu uusan ka tarjumeyn arrin ku aadan rajada mustaqbalka Somalia, waana inay shacabkooda kusoo biiraan oo ay ka qayb-qaataan dib u dhiska dalka,” ayuu Danjire Madeira ku yiri hadalkiisa.
Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa isagana ugu baaqay shacabkiisa in ay xoojiyaan Nabadda iyo Dib u heshiisiinta, isagoo yiri. “Waxaan ugu baaqayaa Shacabka Soomaaliyeed inay ka Qayb-qaataan dib u dhiska Dalka iyo horumarrada socda.”
Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya, ayaa waxay Al-shabaab ka saareen deegaanno dhawr ah oo ay ka talinayeen, kaddib Dagaallo culus oo dhex-maray Sannadihii lasoo dhaafay.
Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia, ayaa sidoo kale Muujiyay baahida loo qabo in wax laga qabto isku-dhacyada beelaha, lana xoojiyo maamullada ka jira dalka ee federaalka ah, si awood loogu yeesho in maamulka dowladeed la gaarsiiyo Waddanka oo dhan, wuxuuna Waaliddiinta Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka waaniyaan ubadkooda inay ku biiraan Al-shabaab.
Dhanka kale, Danjiraha ayaa ku ammaanay ciidamada Burundi ee AMISOM ka tirsan inay bur-buriyeen awoodihii ay Al-shabaab ku lahayd Deegaannada ay gacanta ku hayaan, ayna ka xoreeyeen deegaanno muhiim ah.
Madaxa Shaqaalaha AMISOM, Jen. Cyprien Ndikuriyo oo ku hadlayay Magaca Taliyaha Guud ee AMISOM, Jen. Mohammedesha Zeyinu, ayaa ku ammaanay Ciidamada Burundi ee Abaal-marinnada la guddoonsiiyay dadaalka naf-hurnimada ah ee ay kula dagaalameen Al-shabaab, ayna amniga Somalia ku xoojinayeen.
Ugu dambeyntii, Col. Frédéric Ndayisaba oo ah ku xigeenka Ciidanka Qaybta Shanaad ee AMISOM, ayaa sheegay in dowladda Burundi ay ka go’an tahay inay sii waddo taageerada ay ka geysanayso in la xasiliyo Soomaaliya.
Halkan Ka Daawo Sawiro
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaa