Danjire Micheal Corvine Oo 3 Ujeedo U Tagay Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay

0
449

Baydhabo(INO)-Waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, gaaray Wakiilka Midowga Yurub ee Somalia, Micheal Corvine iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka kusoo dhaweeyay Xubno ka kala tirsan labada Golle, Saraakiil iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda dalka ethiopia.

Wafdiga iyo mas’uuliyiinta maamulka ayaa kulan ay yeesheen waxay uga wada hadleen, arrimo la xiriira amniga iyo doorashooyinka soo socda ee Somalia.

Safarka Danjire Micheal Corvine ayaa ku saleysnaa 3 arrin oo ahmiyad gaar u leh EU waxaana kamid ah:

1-In bil gudaheeda lagu soo afjaro maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku sugan degmooyinka kala duwan ee Gobolada Bay iyo Bakool.

2-In xaqiijinta amaanka guud iyo goobaha muhiimka ah lagu wareejiyo ciidamada ethiopia si ay u xaqiijiyaan amniga xarumaha maamulka inta laga baxaayo doorashooyinka.

3-In Koonfur Galbeed ay la imaado dadaaladii kaga aadanaa doorashada iyo inay diyaar u noqoto samata bixinta doorashada fooda nagu soo heysa.

Kulanka kadib ayaa waxaa warbaahinta la hadlay, wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo wasiirka Beeraha iyo waraabka ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Labada Mas’uul ayaa sheegay, in ay isku af-garteen arrimaha looga hadlay kulanka ay ku yeesheen magaalada Beydhabo.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay