Danjire Keating oo Kulan la Qaatay Soomaalida Toronto Ee Dalka Canada

0
190

Toronto(INO)-Ergeyga Gaarka ah ee Xog-haya Guud ee QM u Qaabilsan Soomaaliya Michael Keating oo safar kujooga Canada ayaa shir kula qaatay jaalida Soomaalida ee Canada magaalada Toronto.

Kulankaa ayaa waxaa kasoo qeyb galay xubno muhiim ah iyo siyaasiyiin uu ku jiray  xildhibaanka jaaliyada Soomaaliya ugu jira aqalka baarlamaanka dalkaa, Mudane Axmed Xuseen. Mudane Axmed Xuseen ayaa waxaa laga soo doortaa xaafada York South-Weston ee magaaladaasi Toronto.

Shirkaa ayaa Danjire Michael Keating wuxuu uga warbixiyay xaalada Soomaaliya ee waqti xaadirkaan.

Wuxuu si qoto dheer uga xog waramay jaaliyada Soomaalida ah ee Canada arimo badan oo ku taxaluqa horumarka siyaasada iyo xaalada ammaanka ee isa soo tareysa ee dalka iyo weliba dhanka maalgashiga.

Dalka Canada ayaa waxaa guud ahaan ku dhaqan Soomaali badan gaar ahaan magaalada Toronto.

Soomaalida ayaa muddo dheer kunoolaa dalkaasi Canada ayagoo horumarka dalkaa qeyb ka ah kana qeyb qaataa arimo badan oo ijtimaaci ah.

Intii la doortay R/Wasaare Justin Trudeau, dalka Canada waxaa soo if baxay in dawlada Canada ay xiiso u heyso inay ka qeyb qaadato dib u dhiska dalka Soomaaliya.