Muqdisho (INO) – Kulanka oo ahaa mid uu albaabada u xiran yahay ayaa waxa uu u dhexeeyay Wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Somalia Miichael Keating iyo Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka.
Wakiilka iyo Guddiga Khilaafaadka ayaa ka wadahadlay go’aankii dhowaan ay soo saareen guddiga ee lagu mamnuucay 11 Xubnood oo lagu soo kala doortay doorashooyinka ka dhacay Caasimadaha Gobolada dalka.
Xubno ka tirsan Guddiga ayaa sheegay in Wakiilka iyo guddiga ay kawada hadleen arrimo la xiriira go’aankii dhawaan ka soo baxay oo ay ku laaleen 11 kursi oo ka mid xildhibaanadii lagu soo doortay gobollada kala gadisan ee dalka, kaddib markii kuraastaa lagu eedeeyay in lagu soo doortay qaab musuq-maasuq ah.
Miichael Keating ayaa Guddiga u sheegay in Beesha Caalamka aysan aqbali doonin 11 kursi ee lalaalay, waxa uuna Tilmaamay in tirada Xubnaha Musuqa iyo awooda lagu doortay ay intaa kabadan yihiin waxa uuna soo hadal qaaday Xubnaha lagu doortay magaalada Cadaado ee aan lagu darin Kuraasta lalaalay waxa uuna Tusaale usoo qaatay Kuraasta Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mahad Salaad iyo Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada Somalia Saaqad.
Miichael Keating waxa uu sidoo kale, soo hadalqaaday Kursiga Faarax C/qaadir oo ay doorteen Ergo aan ku beel aheyn iyo Kuraasta C/qaadir Gaafow Maxamuud iyo Mustaf Dhuxulow.
Miichael Keating, waxa uu Guddiga ka dalbaday in lasoo dhameystiro Xubnaha harsan ee aan laga saarin Liiska, waxa uuna carabdhabay ilaa 13 Kursi kale oo lagu soo xulay Musuqii ugu weynaa.
Guddiga ayaa waxa uu ka dalbaday inay soo cadeeyan sababta ay uga tageen Kuraasta daacada u ah Xasan Sheekh ee aan lagu darin Liiska xubnaha la mamnuucay.
Sidoo kale, Guddiga Xalinta Khilaafaadka ayaa sheegay 11-ka kursi ee ay diideen in ay yihiin kuwo lagu shubtay, sidoo kalena la musuq maasuqay Musharaxiintii tartami lahayed iyo Ergooyinkii wax dooran laheyd.
Ugu dambeyntii Beesha caalamka ayaa xili hore ugu baaqday Hogaamiyayaasha madasha wadda tashiga in ay si dhaw ula shaqeeyaan guddiyada kala gadisan ee doorashada loona daayo go’aamada ay qaataan.