Dowlada Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in dhawaan safaaradooda ay dib uga furaneyso magaalada Muqdisho, xilli shir looga hadlayo arimaha ka hortagga burcad badeeda uu ka socdo magaalada Dubai.
Wasiirka arrimaha dibada ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa kusheegay in ay si deg deg ah ay magaalada Muqdisho uga furan doonaan safaaradoodi 22 sano kadib, isagoo dowladda federaalka ku amaanay dadaallada ay ugu jirto nabadeynta iyo horumirinta dalka.
Isagoo hadalkiisa sii wata wasiirku ayuu xusay in dowlada Imaaraadku ay garab taagantahay dowlada Federaalka Soomaaliya, wuxuuna intaa raaciyay in dowlada Imaaraadku ay bixineyso lacago ka badan 50 Milyan oo Doolar oo ay hore ugu yaboohday Soomaaliya.
Hadalka wasiirka ayaa yimid kadib markii uu magaalada Dubai kula kulmay madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalaya shir looga hadlayo arrimaha burcad badeeda kaas oo ka soconaya caasimada dalka Imaaraadka Carata ee Dubai.
Idale News Muqdisho