Gurmadkii fatahaada ee ugu danbeeyey oo kasoconaya magaalada Jowhar. DAAWO SAWIRADA

0
203

Shacabka magaalada Jowhar ayaa saakay u wada kalahay Daawashada halka ay biyaha ay maraan Xili xalay haben barkii maamulka Gobolka Shabelaha dhexe & qaar ka tirsan ganacsatada ay baldoosaro ku xireen Biyaha meelaha ugu daran oo ay ka soo fakan kareen .

Saakay wixii ka danbeyay Saalada subax ayaa dad raxan raxan u socda waxaa ay ku kaleheen sidii ay u ogaan lahaayeen halka ay halista biyaha u jirto hase yeeshee ilaa 3 Baldoosaro ayaa waxaa ay wadaan Dadaalo lagu caro tuurayo Daafaha magaalada Jowhar .

Qaar ka tirsan Ganacsatada Magaalada Jowhar & Dad iyaga is Abaabulay ayaa saakay bilaabay in ay biyaha u furaan meel god ah oo biyaha u hoori karaan. Biyaha xalayto cabsida galiyay magaalda Jowhar ayaa u wareegay Saakay Beerihii hore ee Asluubta ama Xabsiga oo ay laheyd ISNAY .

Maamulka gobolka shabelaha dhexe oo isaga amar ku bixyay in saakay aanan loo kala harin xeritaanka iyo ka wreejinta biyaha Xaafadaha Magaalda jowhar ayaa ku amray Ganacsatada in aysan Alaabahooda kala qixin Baqaardooda iyadoo sidoo kale Shacabkana ugu baaqay in ay is dajiyaan,.

Gudoomiyaha Degmada Jowhar Max,ed Amiin Cismaan Xaaji ayaa ka codsaday shacabka in ay is dajiyaan. Ciidamada Milataarka ka howl galo Magaalada Jowhar ayaa iminka bilaabay in ay awood ku celiyaan dadka iyagu doonaya in ay biyaha u daawasho tagaan.

fatahaad2 fatahaad1 fatahaad

Idale News Muqdisho