Madaxa Rugta Ganacisga iyo Warshadaha ee Cumaan Qaliil Cabdullahi Al-Qanji ayaa ka dhawaajiyay in Dalkiisu uu Xiriir qota dheer oo Ganacsi la leeyahay Soomaaliya, isagoo tusaale usoo qaatay Xoolaha uu Dalkaasi kasoo dhoofsado Soomaaliya oo Sanadkii gaaraya 600,000 (Lix Boqol oo Kun) oo Neef, kuwaas oo qaarkood uu Dalka Cuman isaga dib ugusii dhoofiyo Dalal kale.
Hadalkan ayuu Mas’uulkani ka sheegay Kulan uu la qaatay Mas’uulka Ganacsiga u qaabilsan Safaaradda Soomaalida ee Cuman oo ah Haweeney lagu magacaabo Suuban Maxaad.
Kulanka waxaa lagu lafa guray xoojinta Xiriirka Labada Dal, gaar ahaanna dhinacyada Beeraha, iyo Xoolaha oo lagu sheegay kuwo aas aas u ah Iskaashiga Dhaqaale ee Dalalkaas ka dhexeeya.
Qaliil Cabdullahi Al-Qanji ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay horumarinta Xiriirka Labada Dowladood, wuxuuna xusay in Xoolaha uu Cumaan kasoo dhoofsado Soomaaliya ay bud-dhig u
yihiin Ilaha Hilibka ay Shacbiga Dalkaas ka helaan Bisha Barakeeysan ee Ramadaan iyo Xilliyada Deeyrta.
Dhankeedana Suuban Maxaad ayaa Xoolaha iyo Beeraha waxay ku sheegtay Ilaha Daqliga Qaran ee Soomaaliya, iyadoo Sharaxday Dhul-Beereedka Soomaaliya oo Bad wayn ku fadhiya lagana helo Wax-soo-saar kala ceeynad ah.
Labada dhinacba waxay isku raaceen xoojinta Wada shaqaynta dhexdooda ah iyagoo kala matalaya Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee Cuman iyo Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalkaas.
Waxay kaloo isla garteen in Wafdi ka kooban Ganacsato Soomaali ah ay soo booqdaan Rugta Ganacsiga Cumaan inta u dhexeeysa 22-24 June ee iminka lagu jiro, sidoo kalena la qabto Kulamo ay Ganacsatada Labada Dal isku baranayaan kuna baarayaan Fursado Maal-gashi iyo Iskaashi dhexdooda ah.
Idale News ONline