Burundi Oo Maanta Looga Dareerayo Doorashooyinka Baarlamaanka

0
196

Burundi(INO)— Waxaa maanta ka bilaabaneysa dalka Burundi doorashooyinka Baarlamaanka iyo kuwa deegaanka, iyadoo maanta oo Isniin ah la furay goobaha cod bixinta ka dhaceyso.

Doorshada maanta ka bilaabaneysa Burundi ayaa ku soo aadeysa, iyadoo qalalaase ka jiray dalkaas tan iyo bishii April, markii ay bilowdeen dibad baxyada ka dhanka ah Madaxweynaha talada haya.

Madaxweyne Pierre Nkurunziza ayaa horay ugu dhawaaqay inuu mar saddexaad isu soo sharaxo, waxaana taas ka dhalatay dibad baxyo rabshado wadata iyo degenaansho la’aan siyaasadeed oo uu dalka galay.

Rasaas ayaa xalay laga maqlayay Caasimada Bujumbura, waxaana dad badan ay ku dhinteen rabshadihii dalkaas ka dhacay iyoisku daygii afgambigii dhicisoobay ee bishii hore.

Doorashada Madaxweynaha ayaa dhici doonta 15-ka bisha July, kadib markii Hogaamiyeyaasha Gobolka ay ku baaqeen in dib loo dhigo.

Midowga Afrika iyo dalal reer galbeedka ayaa ka soo horjeeda in doorasho dhacdo, waxaana la leeyahay in aysan jirin doonin kooxo kormeerayaal ah oo dalkaas loo diro, si ay goob joog uga noqdaan doorashada.

Ku dhowaad saddex milyan iyo sideed boqol oo kun oo reer Burundi ah ayuu qorshuhu yahay inay codkooda dhiibtaan.

Idale News Online, Burundi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here