Daawo: Kulankii Madaxweynaha KGS & Saraakiisha AMISOM ee Muqdisho

0
211

Muqdisho (INO): Shariif Xasan Sheikh Aadan Madaxweynaha Maamulka KGS ayaa booqdey xarunta ciidamada Amison ee magaalada Muqdisho, waxayna booqashadiisa la xiriirtay sidii uga tacsiyeyn lahaa  khasaarihii weynaa ee dhowaan ciidamada Burundi ee ka qeybta ahaa kuwa nabad ilaalinta AMISOM loogu geystay xarun ay ku lahaayeen deegaanka Leego ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo in ka badan 70 ciidanka Burundi ah lagu dilay,  tiro  kalena lagu dhaawacay ka dib markii xarakada Alshabaab ay weerar ku qaadeen xeradii ay ku jireen ciidankaasi.


Madaxweynaha Maamulka KGS, Shariif Xasan ayaa la arkaayey isaga oo labada gacmood mid mid uga salaamayaa saraakiishii AMISOM oo goobta ku sugnayd, waxaana  sidoo kale khudbadiisa laga dheehan karey baahida maamulkiisa uu u qabo ciidamada AMISON si wax looga qabsato weerarada Alshabaab. Hase ahaatee saraakiisha Xooga Dalka Soomaaliyeed ee howlgabka ah iyo  kuwa haatan gobolka ka howgala ayaa iyagu qabo aragti ka duwan tan Shariif Xasan ee ah ku tiirsanaanta ciidamada shisheeye inaysan waxba soo kordhin karin, waxayna marar badan madaxda sare ee dowlada iyo hogaamiyayaasha maamulada gobolada  ugu baaqeen in dhismaha ciidan qaran oo hela xaquuqdii ay lahaayeen oo kaliya looga gudbi karo amni darida baahsan ee dalka ka jirta  iyo xakameyta weerarada xarakada Alshabaab.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here