Berdaale(INO)-Maamulka degmada Bardaale ayaa ka hadlay qarax Alshabaab ay ku dhamaadeen oo ka dhacay duleedka degmada Bardaale ee gobolka Bay.
Maxamed Isaaq Caracas, gudoomiyaha degmada Bardaale oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegayaa in qaraxa Alshabaab ay ku dhamadeen isaga lala damacsanaa in wadada loogu aaso.
Gudoomiyaha wuxuu sheegay in ku dhawaad 6 ruux ay ku dhinteen qaraxa ka dhacay duleedka degmada Bardaale ee gobolka Baay, kaasi oo la doonayay in wadada loogu aaso xili uu kasoo laabanayay degmada Baydhabo ee gobolka Bay.
Dadka dhintay ayuu gudoomiye Caracase ku sheegay inay ka koobnaayeen seddex ruux oo miinada aasi rabtay iyo seddex la joogtay xiliga miinada ay aasayeen, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale wuxuu sheegay in goobta qaraxa uu ka dhacay ay tageen saraakiil ciidan oo ka tirsan ciidamada maamulka Koofur galbeed iyo dowlada Soomaaliya kuwaasi oo kormeeray halka qaraxu uu ka dhacay.
Idale News Online, Berdaale