Dagaalo ciidamada DKMG, Itoobiya iyo Al-Shabaab ku dhexmary Degmada Qansaxdheere

0
270

Ugu yaraan 14-qof ayaa ku dhintay dagaal culus oo ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya oo dhinac ah iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray degmada Qansax-dheer ee gobolka Bay, iyadoo tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Guddoomiyaha gobolka Bay, C/fitaax Ibraahim Geeseey ayaa xaqiijiyay in xoogagga Al-shabaab ay saakay dhowr jiho ka weerareen degmada Qansax-dheere ayna u suuro-gashay inay xaafado degmadaas ka tirsan gudaha u galaan.

“Weerarka Al-shabaab ay ku qaadeen degmada waa jiraa, balse khasaare xooggan ayaa kasoo gaaray, waxaana gudaha magaalada yaalla maydadka 13-dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsan hub kala duwan oo kuwa fudud ahna waa laga furtay,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Bay.
Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in dhankooda uu kaga dhintay hal askari, isagoo aan sheegin khasaare intaas ka badan oo soo gaaartay, waxaana dagaalkan uu noqonayaa kii ugu xoogga badnaa ee degmadaas ka dhaca tan iyo markii lagala wareegay Al-shabaab horraantii sannadkan.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Qansax-dheere ayaa iyaguna xaqiijiyay inuu ka dhacay gudaha degmada dagaal culus, iyagoo sheegay in xaafado ka tisran degmada lagu arkay gaadiid iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.
Xarakada Al-shabaab oo aan si dhameystiran uga hadlin dagaalka ayaa wararka hordhaca ah ee kasoo baxaya waxay sheegayaan in hafadkii ay ka lahaayeen ay ka gaareen weerarkii ay ku qaadeen degmada Qansax-dheere.

Dhanka kale, guddoomiyaha degmada Qansax-dheere ee dowladda KMG ah, Aadan Cabdi Aadan ayaa u sheegay raadiyaha ku hadla afka dowladda KMG Soomaaliya in dagaalyahannada Al-shabaab ee lagu dilay dagaalkii saakay uu ka mid ahaa sarkaal lagu magacaabi jiray, Maxamed Isaaq Uburoow oo degmadaas u dhashay.

 

Idale News Online “INO” Baidoa