Kismaayo(INO)— Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in maanta barqadii uu dagaal ka bilowday agagaarka deegaanka Goobweyn oo qiyaastii 30-KM u jira Kismaayo, halkaasoo fariisin u ah Ciidamo milateri.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana uu ka dambeeyay markii ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland ay weerareen saldhig ay ciidamadaas ku lahaayeen agagaarka Goobweyn.
C/rashiid Macalin Gaas oo ka tirsan saraakiisha ciidanka milateriga ee ku sugan Goobweyn ayaa sheegay in ciidamada Jubbaland ay soo weerareen fariisinkooda, ayna iska difaaceen.
“Waxaa na soo weeraray ciidamo beeleedka Kismaayo jooga iyo ciidanka Kenya oo is bar bar socda, fariisamaheena ayay nagu soo weerareen, hada xabada waa socotaa, waana is difaaceynaa”ayuu yiri Sarkaalkan oo la hadlay mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho.
Ciidamadan ku sugan deegaanka Goobweyn ayaa ah ciidamadii looga adkaatay Kismaayo, ee ay hogaaminayeen Barre Hiiraale iyo saraakiishii kale ee horay ula dagaalamay ciidamada Axmed Madoobe, waxaana tiro dhowr jeer oo hore la isku dayay in ciidamadan gudaha Kismaayo la keeno, si xero ku taal loogu xareeyo.
Idale News Online, Kismaayo