Dagaal Khasaaro sababay oo ka dhacay duleedka degmada Qoryooleey

0
383

Qoryooleey ( INO)-Cali Maxamed Xuseen oo ka mid ah Saraakiisga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyay dagaal saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaan lagu Magacaabo Buulo Sheekh oo dhaca duleedka degmada Qoryooleey.

Sarkaalkaan ayaa tilmaamay in dagaalkaasi uu yimid kadib markii Ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen Kooxo Hubeysan oo deegaanka Buulo Sheekh soo dhigtay jid gooyooyin shacabka lagu dhibaateeyo.

Waxaana uu intaas ku daray In dagaalkaas ay khasaaro ku gaarsiiyeen Kooxaha Isbaarooyinka soo dhigtay walow uusan cayimin, isagoona hoosta ka xariiqay in mid ka mid ah Maleeshiyaadkaasina ay gacanta ku dhigeen sida uu hadalka u dhigay.

Deegaanka Buulo Sheekh ee duleedka degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa indhawaanahaan waxaa shacabku ka cabanayeen Isbaarooyin la soo dhigay halkaas.