Dadaalo lagu xalinaayo khilaafka Ra’iisul Wasaaraha & Madaxweynaha oo Madaxtooyada ka socda

0
182

Waxaa saacadihii ugu dambeeyey xarunta madaxtooyada Soomaaliya (Villa Somalia) ka soconaayey dadaalo ay wadeen wafuud caalami ah oo magaalada Muqdisho u yimid xalinta khilaafka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra;iisul Wasaarihiisa Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Wafuudaan oo ka socda wakiilada beesha caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobo ayaa  kulamo gaar gaar ah la kala yeeshey madaxda sare ee dowlada iyagoo si gaar ah isugu howley in Ra’iisul Wasaaruhu ku qanciyaan inuu ogolaado codsiga Madaxweynaha u soo jeediyey ee ah inuu iscasilo, isla markaasna looga fogaado dib u dhac iyo  fashil ku yimaada horumarka siyaasadda iyo amniga dalka gaarey mudooyinkii ugu dambeeyey.

Warar hordhac ah oo IdaleNews Online ka heshay ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaaya in Ra’iisul wasaaruhu ka soo dabcay mowqifkiisii hore, waxuuna wakiilada reer galbeedka ee kulanku la yeeshey u muujiyey in mabda’ ahaan ogol yahay inuu xilka wareejiyo  maalmaha naga soo aadan isagoo danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed u turaaya.

Sidoo kale kulankii madaxweynaha iyo wakiilada reer galbeedka ee Muqdisho yimid oo waqti badan qaatey ayaan looga hadley  khilaafka Madaxwynaaha kala dhaxeeya Ra’iisul Wasaare Saacid, waxuuna madaxweynuhu wafuudii kulankaasi ku qanciyey doonistiisa ah in Ra’iisul wasaaraha xilka ka tago isagoo ku eedeeyey ra’iisul wasaaraha inuu gaabis badan sameysey mudadii sanadka aheyd iyadoo weliba waxba ka qaban barnaamijkii xukuumaddu aheyd inay qabato 12-kii bilood ee la soo dhaafey. Muddada sanadka iyo barka ee guud ahaan dowlada u harsanna loo baahan yahay in la helo ra’iisul wasaare cusub iyo gole wasiiro oo karti iyo shaqo badan kuwaasoo dhameystira shaqada dowlada dadka u ekmadeen.

saacidvsHassan

Idale News ONline Mogadishu

Idale News Online