Daawo: Dad Mad-habta Shiicada ku faafinayay Somaliland oo lagu xukumay Hargeysa

0
227

Hargeysa(INO)— Maxkamadda Hargeysa ayaa xukun isugu jira, xarig, ganaax iyo musaafuri waxay ku ridday saddex qof oo la sheegay inay Mad-habta Shiicada ku faafinayeen Somaliland.

Saddexda qof ayaa labo ka mid ah ay u dhasheen dalka Pakistan, halka qofka saddexaad ay aheyd qof dumar ah Soomaali ah oo lagu eedeeyay inay marag been ah furtay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Hargeysa C/rashiid Maxamed Xirsil (Beergeel) ayaa sheegay in dadkan ay ku howlanaayeen inay qal qal geliyaan caqiiqadada Islaamka ee Sunniga ah ee Somaliland aaminsan tahay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in eedeysanayaasha qaar la xukumay iyagoo maqan, isagoo xusay inay qeybinayeen illaa 200 oo buug ku turjuman af Soomaali, kuwaasoo ka hadlaya Mad-habta Shiicada.

Qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa ka digay hey’ado doonaya inay dadka ku faafiyaan mad-habta Shiicada, isla markaana uga faa’ideysanaya daruufaha nololeed.

Bishii December ee sanadkii tagay ee 2015 ayay aheyd markii labo muwaadin u dhashay Iiraan lagu xiray magaalada Muqdisho, kuwaasoo lagu eedeeyay inay mad-habta Shiicada faafinayeen.

Idale News Online, Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here