Daawo:Xukuumadda Kuuriya oo Gaadiid ugu deeqday Wasaarada Arrimaha Dibadda XFS

0
272

Nairobi(INO) — Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dalka Korea ayaa afar baabuur oo kuwa martida ah ugu deeqday wasaarada arrimaha dibadda dowladda FS, iyadoo deeqdan oo ah tii ugu horreysay oo ay Korea siiso Somalia si gaar ah uga mahad-celisay wasaaradda arrimaha dibadda Somalia.

Halkan Ka Daawo

Gaadiidkan ayaa wasaaraddu u adeegsan doontaa martida ajnabig ah ee dalka soo booqata, waxayna qayb ka noqon doonaan dadaalo ballaaran oo wasaaradda lagu qalabeyn doono, laguna tayeyn doono habsami u socodka shaqo iyo shaqaale.

Sidoo kale, wasaaradda arrimaha dibadda Somalia ayaa xustay inay hiigsanayso isbedello shacabka Soomaaliyeed loogu adeegayo, iyadoo la ilaalinayo xorriyada, madax-banaanida, Qaranimada, Midnimada iyo Wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Idale News Online, Nairobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here