Daawo:Xukuumada Burundi oo ku goodisay inay awood u adeegsan doonto Joojinta Mudaaharaadyada

0
252

Bjanbura(INO) — Xukuumada Burundi ayaa ku hanjabtay inay awood ciidan u adeegsan doonto joojinta mudaaharaadyada rabshadaha wata ee mudada toddobaadka ah ka socda caasimadda dalkaas ee Bujumbura, iyadoo ku eedeysay siyaasiyiin mucaarad ah iyo ururrada bulshada inay inay gabaad u yihiin cadowga dalkaas.

Wasiirka amniga dalka Burundi, Jen. Gabriel Nizigama ayaa sheegay in bam-gacmeed lagu tuurtay goob ay ciidammo ku sugnaayeen oo ay ku dhintaan saddex ruux oo laba sarkaal oo boolis ah ay ku jireen ay yihiin kuwo ay ka dambeeyeen kuwo diidan Qaranimada Buurndi.

“Ciidamada amniga dalka waxay qaadi doonaan tallaabooyin walba oo ay ku joojinayaan mudaaharaadyada ayna kusoo xirxirayaan dambiilayaasha; sidoo kale ciidamada booliiska iyaguna waxay sameyn doonaan wax walba oo ay ku joojinayaan kacdoonnada,” ayuu yiri Jen. Nizigama.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas raaciyay. “Wixii maanta ka dambeeya ma arki karno dibad-baxyo dhacaya, waanan u jeednaa dambiilayaasha, kuwa ar-gagaxisada ah iyo weliba kuwa cadowga Qaran ah ee doonaya inay dalkeenna burburiyaan, umana dulqaadan doonno.”

Sidoo kale, Wasaaradda Gaashaandhigga Burundi ayaa ciidamada dalkeeda ugu baaqday inay noqdaan kuwo dadka difaaca, isagoo ugu baaqay inaysan shacabka dalkaas kula kicin wax xad-gudubyo ah, hadalkan oo u muuqata in uu ka duwan yahay midka uu jeediyay wasiirka amniga dalka Burundi.

“Dhinacyada oo dhan waxaan ugu baaqayaa inay ka fogaadaan wax walba oo Sababi kara in Burundi ay dib ugu laabato maalmihii madoobaa,” ayuu yiri Wasiirka Difaaca Burundi, Jen. Pontien Gaciyubwenge oo warbaahinta la hadlay.

Tan iyo markii ay ka billowdeen magaalada Bujumbura mudaaharaadyada wata rabshadaha waxaa ku dhintay 10-qof, iyadoo tiro intaas ka badanna ay kasoo gaareen dhaawacyo, in ka badan 600-qof ayayna ciidamada ammaanku u taxaabeen xabsiyada.

Mudaaharaadyada ka socda Burundi ayaa ka dhashay go’aankii uu dhawaan ku dhawaaqay Mudaaharaadyadan ayaa ka dhashay go’aankii uu dhawaan ku dhawaaqay madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza inuu markii saddexaad ka qayb-galayo doorashada madaxnimo ee dalkaas oo dhacaya 26-ka bisha Juun ee Sannadkan.

Xisbiyada mucaaradka dalka Burundi iyo ururrada bulshada rayidka ah ayaa ku eedeynaya Nkurunziza inuu jabinayo qodobbo ka mid ah dastuurka dalka Burundi u yaalla, kaasoo ay sheegeen inuu dhigayo in madaxweynuhu uu xilka isku soo sharraxi karo laba xilli oo keliya.

Ugu dambeyn, Pierre Nkurunziza oo kasoo jeeda qowmiyadda ugu badan dalka Burundi ee HUTU-ga ayaa xilka qabtay Sannadkii 2005-tii, markasoo la soo afjaray colaadihii sokeeye ee dalkaas ka jiray muddada sannadaha ah.

Idale News Online, Bujanbura

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here