Riyadh(INO)— Xiisada u dhaxeysa dowladaha Sacuudiga iyo Iiraan ayaa sii xoogeysatay, markii Iiraan ay dacwad ka dhan ah Sacuudiga u gudbisay Qaramada Midoobey.
Iiraan ayaa ku eedeysay Xulafada uu Sacuudiga hogaamiyo in duqeyn ula kac ah u geysteen dhismaha Safaaradda ay ku leeyihiin magaalada Sanca, isla markaana uu dhaawacyo soo gaaray shaqaalaha Safaaradda.
Warbaahinta qaranka ee Iiraan ayaa sheegtay in firirka gantaal uu ku dhacay gidaarka Safaaradda, kaasoo waxyeelo u geystay shaqaalaha.
Wararka ayaa sheegaya in aanu wax bur bur ah soo gaarin Safaaradda, isla markaana aanu u muuqan goob la duqeeyay.
Sacuudiga ayaa beeniyay warka ka soo baxay Iiraan, waxaana uu sheegay in aanay bartilmaameedsanin safaarada iyo goobaha ku dhow.
Labada dal ayaa eedeymo kulul is weydaarsanayay, tan iyo markii Isniintii uu Sacuudiga gooyay cilaaqaadka Iiraan, isla markaana uu safiirkiisa u yeertay, iyadoo diblomaasiyiintii Iiraan laga ceyriyay Sacuudiga.
Qaar ka mid ah dowladaha Carabta ayaa taageeray Sacuudiga, iyagoo xiriirka u jaray Iiraan, waxaana lagu wadaa in maalinta Axada shir deg deg ah isugu yimaadaan ururka Jaamacadda Carabta.
Idale News Online, Riyadh