Dhageyso:Xildhibaano ku tilmaamay xiriirka Dowladda ay u jartay Iran mid lagu fududaaday

0
264

Muqdisho (INO)-Xildhibaano ka tirsan Baarkamaanka iyo Siyaasiyiin Soomaaliyeed ayaa go’aan lagu deg degay ku tilmaamay in Dowladda Soomaaliy ay xiriirka u jarto Dalka Iran.

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga arimaha Dibadda Baarlamaanka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku fududaatay go’aankii ay xiriirka ugu jartay Dowladda Iran.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow, Guddoomiye ku xigeenka Guddiga arimaha gudaha iyo amniga Baarlamaanka Soomaaliya, oo la hadlay  Warbaahinta ayaa sheegay in uu ka xunyahy go’aanka Dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay xiriirka diblomaasiyadeed ee Dalka Iran.

Waxuu Xildhibaan Jeesoow tilmaamay in kulamada soo socda ee Baarlamaanka Soomaaliya la horgeyn doono sababta keentay in Dowladda ay xiriirka u jarto Dowladda Iran.

Siyaasi Xasan Keynaan Xalane oo Xildhibaan ka soo noqday Dowladdihii KMG ahaa ee Dalka soo maray ayaa xusay in Dowladda Soomaaliya ay ku fududaatay xiriir u jarida Dalka Iran.

Waxuu Siyaasiga tilmaamay in hadii Iran lagu eedeeyay faafinta madhabta shiicada loo baahnaa in Dowladda Soomaaliya ay keento Cadeemo si buu yiri Maxkamad loo soo taago Dadka ka soo jeeda Iran ee waday shiiceynta.

Sikastaba, Shalay ayee aheyd markii kulanka Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya looga dhawaaqay in Dowladda Soomaaliya ay jartay Xiriirkii Diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeyay Dalka Iran.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here