Cairo(INO)— Xeer Ilaaliyihii guud ee dalka Masar ayaa goor dhow u geeriyooday dhaawicii ka soo gaaray qarax lala eegtay gaari uu la socday magaalada Qaahira.
Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Masar ayaa u sheegay Wakaalada Wararka ee AFP in Xeer Ilaaliyaha Hisham Barakat uu geeriyooday.
Xeer Ilaaliyaha ayaa dhowr jeer oo hore loo hanjabay in la dili doono, kadib markii uu xukumaay dad lagu soo eedeeyay inay falal argagixiso ka geysteen dalka.
Sidoo kale waxaa uu tan iyo sanadkii 2013 la sheegay inuu maxkamadeeyay kumanaan taageerayaasha Ururka Ikhwaanul Muslimiinka.
Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay weerarka lagu qaaday Kolonyada uu watay Xeer Ilaaliyaha, waxaana wararka ku saabsan geeridiisa ay yihiin kuwo hada isa soo taraya.
Idale News Online, Cairo