MN(INO)-Wiil Soomaali ah, ayaa Madaxa ka toogtay Gabadh Somali-American ah oo ku nooleyd dalka Mareykanka, waxana raacdo loogu jiraa sidii wiilkaas loosoo qaban lahaa.
Gabadhan Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jirey Ayaan Cabdi Cabdulaahi (AU) oo 21 sano jir ah ayaa waxaa la sheegay inuu wiil Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Axmed Cabdiraxiim Cabdi uu madaxa ka toogtey gabadhaas Soomaaliyeed, Booliiska oo ay soo gaadhey fariin ah inay rasaas ay ka dhacday guri ku yaala magaalada ayaa markii ay goobtaas gaadheen waxay kula kulmeen meydka gabadhaas Soomaaliyeed oo madaxa laga toogtey iyadoona isla goobtaas ku geeriyootey.
Wiilkan oo ay booliiska magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota si aad iyo aad ah ay u baadi goobayaan ayaa waxaa la sheegay inuu booliiska magaaladaas uu qof caan ah ka yahay agtooda maadaama horey loogu qabtey fal dambiyeedyo fara badan oo uu galay, Wiilkan Soomaaliga ah ayaa waxay booliisku ay ku sifeeyeen nin khatar ah oo laga fili karo dhibaato baaxad weyn.
Halkan Ka Daawo.
Idale News Online, MN,USA.