Cadaado(INO)-Wasiirka arimaha gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdixahaman Mohamed Odawaa iyo Madaxweynayaasha Maaamul Goboleedyada Galmudug iyo ximan iyo xeeb ayaa Maanta Waxay Booqasho ku Gareen Deegaanka Gidheys oo 20km Ujirta Magalada Cadaado .
Masuliyiinta maanta booqday Deegaanka Gidhes ayaa qado sharaf loo sameeyay kadib waxa ay halkaasi uga wada hadleen sidii looga shaqeyn lahaa in uu miro dhalo maamulka Gobolada Dhaxe loo sameenayo oo hada dhismihiisu kasocdo Cadaado.
Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane Cabdi xasan Cawaale Qeybdiid ayaa Sheegay in wali uu Yahay musharax balse uu Wadada wanaagsan Wax kuraadin doona isgoo sheegay in aysan eedsan doonin dhismaha maamulka isga waa sida uu hadalka udhigaye.
Wafdiga maanta Booqday Deegaanka Gidheys ayaa waxaa kamid ahaa wasiir kuxigeenka wasaarada Gadiida ,iyo sidoo Kale godoomiye kuxigeenka maamulka gobolka banaadir iyo Masuuliyiin kale oo kusugan Magaalada Cadaado.
Wasiiradan katirsan Xukuumada Soomaaliya iyo Masuuliyiinta kale ee Maanta booqday Deegaanka Gidheys ayaa halkaasi loogu xoolo qalay, waxaaan lagu soo dhaweeyay hilib ari ubag iyo Caano, waxa ayna Msauuliyiinta Deegaankaasi kasoo tageen iyaga oo maqsuudsan.