Daawo:Wasiirka warfaafinta Maareeye oo ka hadlay bayaan ay soo saareen hay’ada culumada Soomaaliyeed

0
342

Muqdisho(INO)—Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in si qalad ah loo turjumay go’aankii dhowaan Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ay meel mariyeen, Kaas oo qeeyaya siyaasadda Qaranka ee Jandarka.

Wasiirka Warfaafinta dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay bayaan ay Hay’ada Culimada Soomaaliyeed ay ka soo saartay siyaasada jinsiga ama Jandarka ee Wasaarada Haweenka soo diyaarisay.

Wasiir Maareeye, ayaa sheegay in si qalad ah loo fasirtay qodobada ku jira siyaasadda qaranka ee Jandarka, isagoo tilmaamay in golaha wasiirada qodoban oo kale marka ay meel marinayaan in marka horaba ay ka fiirsadaan.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Warfaafinta Dowlada Federalka ayaa ku casuumay golaha culumaa’udiinka Soomaaliyeed inay ka soo qeybgalaan shirka toddobaadlaha ah ee golaha wasiirada si ay u ogaadaan xaqiiqda dhabta ah ee sharcigan.

Hay’ada Culimada Soomaaliya ay sheegtay in sharcigaas qodobada qaar ee ku jira ay ka soo horjeedaan Shareecada Islaamka. Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah Guddoomiyaha Hey’adda Culimadda Soomaaliyeed ayaa sheegay in barnaamijka siyaasadda qaran uu khilaafsan yahay shareecada Islaamka.

“Waxaa ka war helnay Buug ay soo saartay Wasaaradda Haweenka ee la leeyahay Waa siyaasada qaran ee Jinsiga, wuxuu buugaas khilaafsan yahay shareecada Islaamka, waxaana haatan inoo soo baxday in Golaha Wasiirada ay meel mariyeen”ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo la hadlayay Idaacada BBC-da.

Sheekh Bashiir ayaa sheegay in arrintan ay qatar ku tahay jiritaanka qoyska Muslimka ah, isagoo xusay inuu buun buuninayo dumarka, isla markaana lagu tarbiyeynayo inay ka hor-yimaadaan Waalidiintooda iyo Nimanka qaba, taasoo uu xusay inay tahay in lagu siinayo Haweenka xoriyad.

Illaa iyo hadda ma jiro qoraal ama dukuminti dhab ah la soo bandhigay kaasoo cadeynaya eedeymaha ay culumaa’udiinka u jeediyeen dowlada,hase ahaatee qaar kamid ah aqoonyahano wax ka qoray sharcigan ayaa u sheegay shabakada Jowhar.com inaysan jirin wax ka soo horjeeda diinta Islaamka oo sharcigan uu qorayo.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay