Muqdisho(INO)- Ku simaha Madaxweynaha dowladda goboleedka Koofur Galbeed Soomaalitya ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Baydhabo waxaa uu ku qaabiley wefdi uu hogaaminayay safiirka midowga Yurub ee Soomaaliya.
Maxamed Xasan Fiqi, oo ah Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ahna ku simaha madaxweynaha koonfur Galbeed Soomaaliya iyo wakiilka midowga Yurub ee Soomaaliya Micheal Corvine, ayaa ka wadahadlay arimo dhowr ah oo ay kamid tahay xaqiijinta amniga iyo arimaha doorashooyinka.
Kulanka ay yeesheen labada mas’uul ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan wasiirada koofur galbeed iyo guddoomiyaha baarlamaanka koofur galbeed mudane C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye.
Ku simaha madaxweynaha dowladda goboleedka koofur galbeed Soomaaliya iyo wakiilka midowga Yurub ee Soomaaliya oo kulanka kadib la hadlay war fidiyeenka ayaa waxaa ay sheegeen in ay isku afgarteen qodobadii ay ka wadahadleen.
Halkan Ka Daawo VIDEO
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay