Daawo:Wasiirka Caafimaadka Oo Deeq Daawo Ah Guddoonsiisay Maamulka Gobolka Bakool

0
250

Xudur(INO)-Wasiirka caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Xaawo Xasan Maxamed uu wehliyo Wasiirka Gadiidka ee Dowladda  Koonfur Galbeed ayaa maanta deeq  dawo ah ku wareejisay ku-simaha guddoomiyaha gobolka Bakool, waxaana ay kormeer ku bixisay xarumaha caafimaadka iyo kuwa hooyada iyo dhallaanka ee ku yaalla degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin Xasan oo ka mahad celieyey deeqda dawadda ah ay Wasiirka caafimaadka gaarsiisay ayaa sheegay in dhibaatooyin adeega bulshada ah ay haystaan shacabka degmada Xudur oo la xiriira caafimaadka, waxbarashadda iyo biyaha.

Wasiirka gadiidka Dowladda Koonfur Galbeed ayaa soo hadal qaaday sidoo kale xaaladaha ka jira gobolka, asagoo xusay in Dowladda Koonfur Galbeed oo kashanaya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay doonayaan in wax laga qabto adeegyada bulshada.

Wasiirka caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Drs Xawo Xasan Maxamed ayaa xustay in deeqda dawada ah ay gaarsiisay degmada Xudur, ay qayb ka tahay dawooyinka Wasaaradda caafimaadku ugu talagashay in ay gaarsiiso gobollada dalka, waxaana ay intaa ku dartay in Wasaaradda caafimaadka ay wax ka qaban doonto adeegyada caafimaad ee ay u baahanyihiin shacabka degamada Xudur.

Wafdiga Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa maanta gelinkii dambe dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

o.

vlcsnap-2015-07-08-19h29m10s230vlcsnap-2015-07-08-19h30m20s159vlcsnap-2015-07-08-19h30m38s81vlcsnap-2015-07-08-19h31m04s86vlcsnap-2015-07-08-19h31m08s125vlcsnap-2015-07-08-19h31m15s198vlcsnap-2015-07-08-19h32m12s0vlcsnap-2015-07-08-19h32m48s103vlcsnap-2015-07-08-19h33m12s90vlcsnap-2015-07-08-19h33m16s126vlcsnap-2015-07-08-19h33m31s26vlcsnap-2015-07-08-19h39m09s72vlcsnap-2015-07-08-19h39m17s154vlcsnap-2015-07-08-19h40m40s213vlcsnap-2015-07-08-19h40m55s106vlcsnap-2015-07-08-19h41m08s242vlcsnap-2015-07-08-19h41m29s199vlcsnap-2015-07-08-19h41m39s35vlcsnap-2015-07-08-19h41m44s87vlcsnap-2015-07-08-19h41m49s139vlcsnap-2015-07-08-19h42m36s93vlcsnap-2015-07-08-19h42m59s67vlcsnap-2015-07-08-19h43m07s152vlcsnap-2015-07-08-19h44m30s212vlcsnap-2015-07-08-19h45m58s70vlcsnap-2015-07-08-19h47m46s130vlcsnap-2015-07-08-19h47m49s157vlcsnap-2015-07-08-19h48m07s75vlcsnap-2015-07-08-19h48m19s197vlcsnap-2015-07-08-19h48m23s244vlcsnap-2015-07-08-19h48m43s187vlcsnap-2015-07-08-19h49m02s116vlcsnap-2015-07-08-19h49m13s230

Idale News Online, Xudur

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here