Daawo:Wasiirka Difaaca DFS Oo Kulan Su’aalo Weydiin Ah La Qaatay Gudiga Difaaca Baarlamaanka

0
212

Muqdisho(INO)-Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa maanta hortagay Guddiga difaaca Baarlamaanka Soomaaliya,

iyadoo ay su’aallo ka waydiiyeen qaabka u shaqayso Wasaaradda iyo xuquuqda Ciidanka Qaranka, waxana sidoo kale kulanka ka qayb galay Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyed S/G Daahir Aaden Cilmi.

 Su’aallaha la weeydiiyey wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa waxaa u badnaa xuquuqda ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed,halka ay Wasaaradda Difaacu marsiineyso dib u dhiska iyo hormarinta Ciidammada Xoogga Dalka ayadoo Wasiirka Gaashaandhigana uu gudiga Difaaca uga jawaabay su’aallahaasi.

 Gudoomiyaha gudiga Difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo markii uu kulankaasi soo gebageboobay la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in kulankani oo qaatay saacado badan ay Gudiga difaaca ee Baarlamaanka ku weeydiiyeen su’aallo badan Wasiirka Gaashaandhigga ayadoo su’aallahaasina ay quseeyeen arrimaha difaaca.

 Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini oo isna dhankiisa saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in arrimaha ay weeydiiyeen gudiga Difaaca ee Baarlamaanka ay ugu horeysay xuquuqda Ciidammada Xoogga Dalka,dib u dhiska Ciidammada iyo dhameystirka howlgalka dalka looga sifeeynayo Maleeshiyada kooxda argigixisada ah ee Al-Shabaab.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here