Muqdisho(INO)-Kormeerka wasiirka caafimaadka iyo xildhibaanada wehliyay ay ku tageen Isbitaalka Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa waxaa uu ahaa mid ay ugu kuurgalayeen xaalada bukaano aad u badan oo ku jira isbitaalkaasi kuwaasi oo badankoodu ah haween iyo carruur laga kala keenay gobolada dalka Soomaaliya iyo magaalada caasimada ah.
Wasiirka caafimaadka marwo Xaawa Xasan Maxamed oo ay wehlyaan xilkdhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow iyo xildhibaan Cabdiwali Maxamed Qanyare iyo sidoo kale gudoomiyaha haweenka Soomaaliyeed mas’uuliyiinta hay’ada gacanta ku haysa isbitaalka ee Pac ayaa waxaa ay mid mid ku kormeereen qolalka bukaanadu ku jiraan sida qaybaha jiifka ,saalada qaliinka iyo goobo kale waxaana ay xog wareysaneysay wasiiradu qaar ka mid ah bukaanada.
Kormeerka ka dib ayay warbaahinta la hadleen mas’uuliyiintu marwo Caasho Shaacuur Ugaas oo ku hadashay gudiga maamulka Isbitaalka hayo, marwo Batuulo Sheekh Axmed Gabale gudoomiyaha haweenka qaranka,iyo gudoomiyaha degmada Dayniile ayaa si wada jir ah u bogaadiyay kormeerka wasiirka iyo xildhibaanada.
Halkan Ka Daawo.
Idale News Online, Muqdisho