Baydhabo(INO)-Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta Ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo gaba gabeeysey Kormeeradii ay wadey Iskuulada Degmada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.
Waxaa mudooyinkan dambe wafdi uu hogaaminayo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada Iyo Barbaarinta Dowladda KGS Mudane Eng. Jibriil Maxamuud Aadan oo kormeer lagula soconayo xaaladda waxbarasho ee ka jirta Degmada Baydhabo sida horumarada ay gaareen, manaahiijta, caqabadaha heysta, tayada macalimiinta iyo waxa ay ka doonayaan wasaaradda.
Ugu dambeyntii Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashadda Iyo Barbaarinta Ee Dowladda KGS ayaa sheegey inuu gaba gaboowey kormeeradii socdey lagana gaarey ujeedadii laga lahaa lagana Jawaab celin doono wixii lagala kulmey.