Daawo:Waqooyiga Kuuriya oo sheegtay inay ku guuleysatay tijaabinta Bam Haydorojiin ah

0
229

Soul(INO)— Waqooyiga Kuuriya ayaa ku dhawaaqday inay ku guuleysatay tijaabinta Bam Haydorojiin ah, iyadoo tallaabadan ay si kulul u cambaareeyeen dalalka deriska la ah iyo kuwa caalamka kale.

King jan un

Warbaahinta Waqooyiga Kuuriga ayaa looga dhawaaqay tijaabinta Gantaalkan, taasoo lagu macneeyay mid difaacul-Nafsi ah oo lagu ilaalinayo madax banaaninada dalka.

Durbadiiba markii la tijaabiyay Bamka Haydorojiin ayaa waxaa dhul gariir cabirkiisu ahaa 5.1 laga dareemay halkii lagu tijaabiyay gantaalka.

Koofur Kuuriya ayaa si kulul u cambaareysay tallaabadaas, waxaana shir deg deg ah ay isugu yeertay saraakiisheda ammaanka.

Ra’iisul Wasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa isna sheegay in tani ay tahay qatar dhinaca amniga ah oo dalkiisa ku soo wajahan.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa iyana shir deg deg ah ka leh tallaabadan ay Waqooyiga Kuuriya ku tijaabisay Bam Haydorojiin ah

Bamka haydarojiinka ayaa ka casrisan midka Plutoniumka ee ay isticmaashay Waqooyiga Korea tijaabadii hore.

Waqooyiga Kuuriya ayaa horay u sameysay saddex tijaabo oo nuclear ah, sanadihii 2006, 2009 iyo 2013, Dhammaantood waxa ay ka dhaceen goobta lagu magacaabo Punggye-ri, halkaasi oo dhowr hay’adood maanta ay sheegeen inay laga dareemay dhul gariir ay dad sababaeen.

Idale News Online, Soul

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here