DEG DEG:Ciidamada Liyuu Boolsika Itoobiya Oo Is Hortaagey Xildhibaanno iyo Wasiiro Ka Tirsan KGS Oo Kuwajahanaa Ceelberde

0
213

Ceelbarde ( INO)-Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Wasiiro KGS Ah ayaa maanta loo diiday in ay galaan gudaha degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool.

breakingIdaleNews

Mudanayaashaan oo u socday waan waan si ay uga dhex sameeyaan maamullada Koofur Galbeed iyo kan la Magac baxay Bakool sare ee looga dhawaaqay Gobolkaas ayaa waxaa is hortaagay maleeshiyo Ka tirsan Ciidamada Liyuu booliska iyo kuwo taabacsan maamulka Bakool Sare.

Xildhibaan Max’ed Iidle Geedo oo Warbaahinta uga warbixiyay arrintaas ayaa tibaaxay in dadka shacabka ah ee degan deegaanada Bakool sare ay sameystaan maamulkaas islamarkaana aysan u baahneen fara gelin sida uu hadalka u dhigay.

Ku dhawaaqista maamulka Bakool sare ayaa waxa ay ka careysiisay Dowlada Koofur Galbeed Soomaaliya kuwaas oo wararka qaar ay sheegayaan in aysan ka qeyb gali doonin shirka Kismaayo.

Ugu dambeyntii, Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa la sheegay in uusan ka qeyb gali doonin shirka Kismaayo ee Higsiga , taas oo ay ugu wacantahay isagoo tuhusan maamulka jubba in uu ku lug leeyahay dhismaha maamulka Bakool sare.

Warkan Wixii ku soo kordho kala soco idale News Online

Idale News Online, Ceelberde

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here