Baydhabo(INO)- Dugsiga Sheekh Maxmed oo lagu barto Xifdinta Qur’aan Kariim iyo Tarbiyadda Islaamka Ee Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay ayaa lagu soo gaban gabeeyay Tartan Quraan Aqris ah oo ay ka Qeybgaleen arday iskugu jirta rag iyo Dumar, waxa uuna ka dhacay Gudaha Dugsigaas.
Tartankaan oo ay ka soo qeybgaleen arday iskugu jirta Rag iyo Dumar ayaa waxaa la kala galay kaalimaha koowaad iyo labaad sadaxaad waxaana la Gudoonsiiyay lacago, waxayna ku tartamayeen 10ka Jus ee U dambeeya ee Qur’aanka Kariimka.
Gabagabada tartanka ayaa waxaa ka soo qeybgalay Waaladiin, Ganacsato, Culmaa’udiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Baydhabo.
Qaar ka mid ah culumaa’udiinka iyo waladiintii ayaa boggaadiyay ardeyda ka qeybgashay tartanka qur’aanka ah, waxaana ay u rajeeyeen mustaqbal wanaagsan.waxayna waxa lagu farxo ku tilmaameen tartan qur’aan aqriska ah ee lagu soo gabagabegeeyay magaalada Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.
Ugu dambeyntii, dugsiga Sheekh maxamed waxa uu inta badan qabta sanad weliba tartan quraan aqris ah.
Halkan Ka Daawo VIDEO
Wariye Cali Ilyaas ,
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay