Rome(INO)-Ciidamada Ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga ayaa bad baadiyay tiro aad u badan oo tahriibiyaal ah, kuwaasoo dul sabeynayay ilaa 12-doon, todobaad kadib markii xeebaha Meditrean-ka ay ku dhinteen ilaa 300 oo tahriibayaal ah.
Howl galkan bad baadinta oo ah kii ugu ballaarnaa ee ay sameeyaan ciidamada ilaalada xeebaha ayaa waxaa ka qeyb qaatay diyaarado, maraakiib dagaal iyo maraakiib kale oo yar yar ah, iyadoo tahriibayaashan ay markii hore fariimo deg deg ah soo dirsadeen si lagu bad-baadiyo.
Tahriibayaashan ayaa ku safarayay doomo yar yar oo qaarkood ah kuwo la buufiyo, waxaana laga bad baadiyay meel 80-KM ka baxsan xeebaha waqooyi ee dalka Talyaaniga.
Warbaahinta Talyaaniga ayaa sheegeysa in tahriibayaashan loo kaxeeyay xerooyin ku yaala dalka Talyaaniga, waxaana u badnaa dadkii la socday doomahaas caruur iyo haween.
Qul qulka Tahriibayaasha ayaa ahaa labadii sano ee la soo dhaafay mid aad u xoogeysanayay, iyadoo Hey’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR ay sheegtay in sanadkii la soo dhaafay ay xeebaha u dhaxeeya Liibiya iyo Talyaaniga ku dhinteen ilaa 3,000 oo muhaajiriin ah.
Halkan Ka Daawo.