Xudur(INO)- Tababar u socdey muddo laba maalmood ah ayaa lagu soo gabagabeeye magaalada xuddur ee xaruunta Gobolka Bakool kaas oo loo qabtey maamulada degmooyiNka gobolka, waxana tababarkani isla kaashanayey Wasaaradda arrimada gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Wasaarada arrimaha gudaha Koonfurgalbeed iyo hay’adda UNDP.
Tababarka ayaa ku saabsanaa maamul wanaaga iyo sidii loo dar dargelin lahaa adeegyada ay u hayaan bulshada ku dhaqan degmooyinka Gobolka Bakool.
Tabbarka ayaa ah kii ugu horeysya oo noocaan ah ee loo qabto maamulada degmooyinka Gobolka, kaasi oo lagu qabtay xarunta degmada Xuddur.
Halkan Ka Daawo
Idale News Online, Xudur