Bankog(INO)-Daadad ku fatahay Caasimada Dalka Thailand oo dhaca Bariga Asia, ayaa waxaa ka dhashay dhibaato farabadan oo sababay burburka.
Daadka ayaa waxa uu ooda jabsaday xarunta ganacsiga ugu weyn dalkaasi oo lagu magacaabo ”Caalamka cusub” waxaana halkaasi ka dhashay xeywaano kala duwan oo ay ugu badan yihiin Malaayga waxaana biyo degeen isku bedelay gabi ahaan Xarunta Ganacsiga.
Biyaha buux dhaafiyay Xarunta ganacsiga ayaa waxaa ka dhashay xeywaano kala ceyn ah waxaana sidoo kale ka dhashay xanuuno aan horay loo arag.
Dadka u dhashay dalkaasi ayaa u kaluumeysi doontay Xarunta oo ay ka buuxsameen xasharaadka yar yar.
Dabaqa xarunta ayaa ka kooban 4 biyaano waxaana halkaasi ku baaba’ay dhamaan hantidii ku xareysneyd.
Idale News Online, Bankog