Daawo:Soomaali ku dhaqan Borlänge-Sweden oo la cunsuriyeeyay

0
320

Stochum9INO)-Sidii in badan oo Soomaali ah ay la socdeenba Kooxda Somali Bandy ee ka dhisan Magaalada Borlänge ee dalka Sweden ayaa guulo kasoo hoysay ciyaarihii xeegada ee lagu qabtay Siberia, waxayna ka qeybgalka tartankaas ay Soomaalida ku yeesheen magac weyn, taasi oo keentay in laga sammeeyo Filim magaciisu yahay “TREVLIGT FOLK” oo macnaheedu yahay Dad Wanaagsan oo loola jeedo dadka Soomaaliyeed.

Haddaba Tabeelle ay ku sawiran yihiin seddex ka mid ah ciyaartoyda Kooxda Somali Bandy ayaa la dhigay gudaha Magaalada Borlänge, waxaana kaddib dhacday in sawirka ciyaartoyda uu dhaawacyo u yeelo wiil Swedish ah oo diidanaa in sawirka ciyaartoyda la muujiyo.

Dhacdadaas ayaa waxaa ka hadlay qaar ka mid ah dadka ku nool Borlänge, siyaasiyiinta degmada iyo Aas-aasaha kooxda Somali Bandy. Dadka ka hadlay dhacdadaan oo la hadlay TV-ga Sweden ee SVT  ayaa sheegay in ay falka dhacay ka xun yihiin, laakin qaarkood ayaa xusay in ay dareemayaan in dadka falkani ku kacay ay yihiin dad diidan ajaanibta imaaneysa Sweden, gaar ahaan Magaalada Borlänge.

Hanin Elalmis oo ka mid ah dadka la wareystay ayaa sheegtay in ay marar badan la kulantay dad gaadiidka madaxa ka soo dhiibta kaddibna ku dhawaaqa ereyo lid ku ah dadka ajnabiga ah, waxayna xustay in aysan horay u arki jirin dhaqanka noocaas ah.

Jan Olof Lundberg oo ah Xiriiriyaha Is-dhexgalka degmada Borlänge ayaa sheegay in Soomaalida ku nool Borlänge isugu jiraan kuwo ka qeyb-qaata barnaamijyada is-dhexgalka iyo kuwo aan weli ku guuleysan arrinkaas, wuxuuna dadaallada ay sammeyso kooxda Somali Bandy uu ku tilmaamay mid wanaagsan.

Patrik Anderson oo ah aas-aasaha kooxda Somali Bandy ayaa sheegay in dadka falkani ku kacay ay yihiin kuwo aanan daawan filimkii “TREVLIGT FOLK” “Dad Wanaagsan” ee Soomaalida laga sammeeyay, wuxuuna intaas ku daray in wiil cad oo Swedish ah uu summad si kale ah u noqday barnaamijka is-dhexgalka, wuxuuna sheegay in aysan meel dhow uga soo hari doonin arrinta dhacday oo lid ku ah xorriyadda hadalka.

BorlängeBorlänge1Borlänge2

 Idale News Online, Sweden

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here