Daawo:Shabaab oo soo bandhigay meydadka qaar ka mid ah Ciidamada Dowladda

0
269

Raamacadey(INO)- Ururka Al Shabaab, ayaa waxaa uu soo bandhigay meydadka afar ka mid ah Ciidamada Dowladda Somaliya, oo lagu dilay dagaal culus oo Khamiistii ka dhacay duleedka Degmada Diinsoor Ee Gobolka Baay.

Dagaalkan, ayaa u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda oo gacan ka helaaya Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika iyo Ururka Al Shabaab oo dhinac ah, waxaana dagaalkaasi ku dhimatay ugu yaraan 10 ka mid ah dhinacyadaasi.

Xoogaga Al Shabaab, ayaa waxaa u suurtagashay intii uu dagaalku socday in ay qaataan meydadka Ciidamada Dowladda, oo ay ku soo bandhigeen Gobolkaasi Bay.

Saraakiil ka tirsan Ururka Al Shabaab oo la hadashay dadkii isugu soo baxay goobtii meydadka askarta lagu soo bandhigay, ayaa ku cago jugleeyay inay sii wadi doonaan dagaalka ka dhan ah Ciidamada Huwanta.

Weerar kale oo habeenkii Arbacada ka dhacay duleedka Degmada Diinsoor, ayaa waxaa lagu qaaday gaadiid ay la socdeen Ciidamada Dowladda, iyadoo weerarkaasi lagu dilay tiro ka mid ah Ciidamada Dowladda.

Shabaabka, ayaa si joogto ah weeraro ugu qaada goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda & Amisom. Shabaabku waxay sheegteen in ay iyagu furaha u hayaan dagaalka Somaliya, maadaama ay xilli kastaa weerari karayaan Ciidamada Huwanta.

askaraskar1askar2askar3askar4

Idale News Online, Raama Cadey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here